Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Casho sharaf loo sameeyay Wasiirka Warfaafinta Col. Cabdullahi Ciilmooge

 

Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa casho sharaf u sameysay Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Col. Cabdullahi Ciilmooge. Wasiirka wuxuu ka mid ahaa wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud ee booqashada shaqada ku yimid wadanka Mareykanka.

Wasiirka wuu ka haray wafdiga Madaxweynaha. Dhowr maalmood ayuu ka dambeynayaa wafdiga madaxweynaha. Casho sharafta waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxda jaaliyada ayaa ka hadashay goobta.

Gen. Qaadi oo ka hadlay goobta ayaa Col. Cabdullahi ku tilmaamay in uu yahay nin karti badan oo wax badan kusoo kordhin kara dib u dhiska wadanka. Wasiirka oo isna goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaalada wadanka. Wuxuu tilmaamay in uu amaanka wax badan iska badalay.

Wuxuu dadka kula taliyay in ay wadanka dib ugu soo noqdaan oo qeyb ka noqdaan dib u dhiska wadanka. Aad ayaa loogu riyaaqay war bixinta wasiirka.

Waxaa goobta ka heesay fanaaniinta gobolka Minnesota.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg