Waqtigii qoriga waa dhamaaday ee feer ma taqaan

Isbadal weyn oo muuqda ayaa ka socda magaalada Muqdisho. Awoodii qoriga ee labaatanka sano wax walba lagu cabiri jiray waa dhamaatay. Yaan lagaaga hormarin mustaqbalka la arki karo ee wanaagsan.
Sawiradan waxaa ka muuqda dhalinyaro loo tababarayo feerka. Sanad ka hor macquul ma ahayn in lagu fikiro xitaa. GYM hala galo ee murqaha hala dhisto. Dhismaha ka socda magaalada waxaa la sheegay in uu socdo ilaa iyo saqdii dhexe.
Ganacsatada Soomaalida waxay kusii qulqulayaan Muqdisho. Waqtigan la joogo ma jiro wax aanan lacag laga sameyneyn. Muqdisho waxay kusoo noqonaysaa 20 sano ka dib sidii hore iyo si ka fiican.























