Wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho oo la dayactirayo

Engineero ka socda Amisom ayaa dayactir ku bilaabay wadada u dhexeysa magaalada Afgooye iyo Muqdisho. Waa markii ugu horeysay ee la dayactiro wadadan.
Dayactirkan wuxuu qeyb ka yahay dayactir lagu wado meelo badan oo bulshada muhiim u ah sida wadooyinka magaalada Muqdisho, stadium Konis, iskoolo, wasaarado, iyo rugaha caafimaadka sida isbitaalkii weynaa ee Digfeer.
Waxaa dhawaan dhismo lagu bilaabayaa Airport-ka Adan Cade ee ku yaala magaalada Muqdisho.

























