Ceelgaab oo la nadiifinayo

Ciidamada Amisom waxay shaqo ka bilaabeen Ceelgaab. Waxay ka wadaan hawl lagu nadiifinayo deegaankaas.
Geedo badan ayaa ka baxay oo xiray wadooyinkii caanka ahaa ee dhexmari jiray Ceelgaab. Waxay kaloo qaadayaan qashin farabadan oo aanan la taaban 20 sano.
Amisom waxay kaloo dhisayaan wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada beeraha ee Afgooye. Amisom shaqadooda inta badan waxay ahaan jirtay dhanka dagaalada, iska caabinta iyo burburinta Al Shabaab, laakiin hadda maadaama ay wiiqmeen Al Shabaab waxay u bateen dhanka dhismaha iyo nabad sugida.



















