Wasiir lagu soo dhaweeyay Minnesota
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis. Wasiirka waxaa looga mahadceliyay shaqadii uu kasoo qabtay Soomaaliya. Waxaa la gudoonsiiyay abaalmarin ku saabsan shaqadii uu soo qabtay iyo geesinimadii ku dhalisay in uu naftiisa qatar u geliyo nabada iyo horumarka dadkiisa.
Xaflad lagu sagootinayay wasiirka ayaa hore loogu dhigay gobolka Minnesota. Waqtigaas oo uu Soomaaliya u sii socday iyo hadda, waxaa ka muuqatay is badal weyn. Shaki iyo cabsi badan ayaa ka muuqatay waqtigaas. Haddana waxaa ka muuqatay kalsooni farabadan. Wuxuu qeyb weyn ku lahaa oo uu dhexda uga jiray burburkii ku dhacay Al Shabaab.
Wasiirka wuxuu dadweynaha ka codsaday in wadanka dib loogu soo celiyo maskaxda iyo hantidada Soomaalida qurbo joogta ah. Wuxuu tilmaamay in ay Soomaaliya is badashay oo ay sii fiicnaaneyso maalin walba.
Waxaa goobta ku sugnaa Generaalo Cornello iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladihii hore.























