SOUP WITH THE SUPE

Febraayo 4da ayaa lagu qabtay Xaruunta Hawaayadaha Golaha Minneapolis Kulankii ugu horreeyey ee la sheeko iyo dood wadaagga Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis. Shirkaasi waxaa ka soo qayb galay Xubno Guddoonka Waxbarashada Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis, Ruug-cadaaga Maamulka Dugsiyada Minneapolis, Xubnaha Bulshada kala duwan, Shaqaale Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis iyo waalid ay ilmahoodu dhigtaan Dugsiyada D. Minneapolis.
Dr. Johnson ayaa soo bandhigtay himiladeeda ku aaddan Waxbarashada iyo in dugsi walba uu kaabo baahida waxbarasho, dugsi kastana leeyahay hoggaan maamul mayal & horseed adag iyo mawqifkeeda ku aaddan “Focused Instruction”. Kormeeraha Guud ayaa markii hore la daawatay Xubnaha Bulshada, Waalidka iyo Shaqaalaha Maqal iyo Muuqaal ku aaddan Ololaha Imow aad Aflaxdide (Attend To Acheve) halkaasi oo ardaydu ay si toos ah ugu tilmaameen in waalidku yahay kaabaha Guul gun dhigga u ah guul gaadhka ardayda.

Waalidka iyo Xubnaha Bulshada ayaa weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xiriira sida ilmaha laga tiro badan yahay ay ku guulaysan karaan, isla markaasna loo kaabi karo baahida waxbarasho ee ardayda laga tiro badan yahay.
Kulankan ayaa waxaa ku xigi doona mid la qabanayo Febraayo 28 iyo midka ugu dambeeyey sannad dugsiyeedkan oo la qabanayo Maarso 28, 2013.
Dhinaca Warbaahinta waxaa ka soo qayb galay idaacadda Kare 11, UNO TV, Warbaahinta Waaxda Xiriirrada iyo Xayeysiinta iyo Mogadishu Times oo iyagu diyaarinayey maqal iyo muuqaal la xiriira Dood wadaagga Kormeeraha Guud Dr. Johnson.




























