Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Minnesota

 

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota. Ra’iisal Wasaaraha waxaa soo marti-qaaday Hay’ada African Development Center oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan ADC iyo hay’ada cilmi-baarista ee Institute for Horn Africa Studies and Affairs oo marka lasoo gaabiyo iyadana kusoo aruurta IHASA.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu ka hadlay xarunta ADC. Wuxuu kula hadlay aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaalida ee gobolka Minnesota. Waxgaradkii yimid xarunta ADC waxaa ka mid ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Hay’ada ADC waa hay’ada ugu weyn ee maalgelisa ganacsiyada dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Minnesota.

Prof. Abdiweli wuxuu dad badan oo ajanabi ah kula hadlay jaamacada weyn ee University of Minnesota. Wuxuu ka warbixiyay Road Map-ka iyo sidii ay xukuumadiisu ugu guuleysatay in dowlada Soomaaliya laga saaray ku meelgaarkii. Soomaali iyo wadamo badan ayaa xukuumada Prof. Abdiweli ku amaanay in aysan ka leexan wadadii Road Map-ka, ugu dambeyntiina ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan ku meelgaarkii socday mudada 20-ka sano ah.

Ugu dambeyntii wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Soomaalida Minnesota kula hadlay goob weyn oo ay kasoo qeybgaleen Soomaali farabadan. Fanaaniinta Minnesota ayaa u qaaday heeso cusub oo loogu talagay Ra’iisal Wasaaraha iyo heeso wadani ah oo dadka shucuurtooda kor u qaaday. Waxaa kale oo goobta ka heesay fanaanka qaranka Axmed Cali Cigaal iyo fanaanada qaranka Hibo Nuura.

Waxaa kale oo goobta joogay qaar ka mid ah golihii wasiirada ee xukuumadii Prof. Abdiweli iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaaraha wuxuu ka hadlay waxyaabihii uu soo qabtay intii uu xukuumada madaxda u ahaa. Wuxuu kaloo uu ka hadlay qatartii ay ku shaqeynayeen iyo cabsidii laga qabay qaraxyada Al Shabaab ee joogtada ahaa. Wuxuu tilmaamay in ay maanta Muqdisho xasiloontahay waqti yar gudahoodna Al Shabaab laga saari doono meel walba. Aad ayaa loogu riyaaqay qudbadii Ra’iisal Wasaaraha.

Abaalmarino ayaa la gudoonsiiyay Ra’iisal Wasaaraha Prof. Abdiweli Gaas, Feysal Ali Rooble oo ah tafatiraha website-ka wardheernews iyo Fowsiya Cabdulqaadir oo ah aqoonyahanad Soomaaliyeed.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg