Dhalinyaro Soomaali ah oo la baray afkooda iyo dhaqankooda
Xaflad lagu soo geba gebaynayay barnaamij ay wadeen ururka Ka Joog ayaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis. Barnaamijka wuxuu ahaa barnaamij la magac baxay fanka.
Ka Joog waxay booqdeen iskoolada gobolka Minnesota si ay wax u baraan ardada uu asalkoodu kasoo jeedo Soomaaliya. Waxyaabihii ay bareen waxaa ka mid ahaa afka Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida.
Ka Joog waa urur caawiya dhalinyarada Soomaalida ee ku sugan wadanka Mareykanka. Abaalmarino waa weyn ayay ku qaateen shaqadooda. Dowlada Mareykanka ayaa aqoonsatay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaana lagu siiyay abaalmarin.























