Gabar doorasho u taagan
Magaalada Minneapolis waxaa lagu qabtay xaflad lagu taageerayay Shukran H. Gure oo u taagan doorashada dhawaan ka dhacaysa wadanka Kenya. Waxaa xaflada isugu yimid taageerayaasha Shukran.
Kursiga ay u tartameyso waa Garissa County Women Representative. Waxay u taagantahay xisbiga Wiper Democratic Movement oo ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka oo asna u tartamaya jagada madaxweynenimada.
Shukran waxay hadda doorashada ku jirtaa hal sano iyo lix bilood. Waxay booqatay magaalooyin badan, waxayna la kulantay dad farabadan, si ay u dhageysato dhibaatada haysata iyo sidii ay ku caawin lahayd.
Dadkii xaflada joogay waxay fiirsadeen sawiro iyo video ku saabsan Shukran oo la hadleysa qeybaha kala duwan ee bulshada. Shukran laguma aqoon siyaasada, waxaa la tilmaamay in ay ahayd gabar xishood badan. Waxay indhaha ka qarsan wayday dhibaatada haysata caruurta iyo dumarka degan Garissa.
Shukran waxay caawin jirtay caruur agoon ah ilaa iyo 2004-kii. Xarunta agoonta ee ay caawiso waxaa la yiraahdaa Mama Honey Orphanage waxayna ku taala Garissa.
Waxay waxbarashadeeda jaamacada ku dhameysatay gobolka Minnesota. Waa gabar ganacsato ah oo leh dhowr ganacsi oo ay ka mid yihiin Metro Area Care Providers iyo Metro Area Physical Therapy.
Idris D. Abdi oo ah ninka qaba Shukran ayaa dadka ka codsaday in la caawiyo xaaskiisa oo loo codeeyo.























